DEG DEG: Guddoomiye Waaxeed caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya xaafada Sanca Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Laanta Sahan ee Degmadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah halkaasi lagu dilay Nin ka tirsanaa Maamulka Degmadaasi.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Ninka la dilay magaciisa in uu ahaa Xasan Macalin Taakow (Macalin Shabeelow) oo ahaa Guddoomiyihii Laanta Sahan Waaxda Heegan ee Degmadaasi.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Macalin Shabeelow, waxaana dilka kadib ay ka baxsadeen goobta, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay iyo raadinta raggii dilka geystay.

Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa sidoo kale Risaala u sheegay Ciidanka ammaanka in ay isku geedaamiyeen xaafadaha ay Degmadaasi ka kooban tahay, gaar ahaan goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay wadaan Howlgallo.

Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaasi oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askarta.