Ciidan uu watay Abaanduulihii xilka laga qaaday oo qarax lala eegtay

Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, qarax Miino ayaa duhurnimadii maanta waxaa Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood lagula eegtay ciidan uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Ilo xog ogaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in qaraxa uu qabsaday mid ka mid ah 46 Cabdi Bille oo uu watay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gen. Caanood uu tan iyo xalay ciidan badan ku uruursananay degaanada ku dhaw degmada Afgooye, Beerta Cali Mahdi iyo Laanta Buuro.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Abaanduulaha iyo kolonyadiisa ay barkhanimadii maanta ka dhaqaaqeen aagga Afgooye, ayna ku sii jeedeen dhanka Shalambood, balse uu qaraxa ku qabsaday wadada.

Saraakiil ka tirsan Miilatariga Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxaasi inuu burburiyay gaariga, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa, balse uu bad qabo Gen. Caanood.

Ilaa hadda lama oga ujeedada uu damacsanaa Gen. Caanood, warar aan helnay waxa ay sheegayaan inuu qaadi rabay hawlgal Shabaab looga saarayo gobolkaasi, balse dadka qaar ayaa is weydiinaya waxa ku soo beegay marka xilka laga qaaday in ciidan uu uruursado, dagaalna uu qaado.