Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gaari uu ku qarxay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Gaariga ayaa ku qarxay wada hormarta xerada dadka barakacayaasha ay degan yihiin Rajo sida uu idaacadda Risaala u sheegay qof goob jooge ah.
Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhaawacmay.
Maamulka Degmada Wadajir oo aan la xariirnay nooma suurta galin in aan qadka ku helno.


