Madaxweynaha dowlad goboleed Galmudug ayaa magacaabay Guddiga Cusub oo loogu tala galay in ay soo baaraan sababtii keentay in la duqeeyo ciidankii maamulka Galmudug ee ku sugnaa duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Guddiga uu magacaabay Madaxweyaha Galmudug ayaa waxa ay ka kooban yihiin wasiiro iyo sidoo kale mamulka Gobolka Mudug.



