Deg Deg: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Tuulada Bariire oo hoostagta degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal khasaare geystay uu ka dhacay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu udhaxeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, waxaana Dagaalka qaaday ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ee ku sugnaa gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ay ku qaadeen deegaanka Bariire oo ay gacanta ku hayeen Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire oo horey ay ugu sugnaayeen Shabaab.

Dagaalka dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Shabaab ayaa la sheegay in uu geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinc.

Saraakiisha dowladda Soomaalya ee gobolka Shabeelaha Hoose oo aan la xiriirnay ayaanan inoo suura gelin inaan khadka ku helno si aan wax uga weydiino Dagaalka, Dhanka Shabaab weli kama aysan hadlin Dagaalkan.