Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dab khasaare hantiyadeed geystay oo gelinkii dambe ee maanta ka kacay maqaayad ku taalla meel ku dhaw isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramay in dabka uu ahaa mid xoogan, islamarkaana uu gubay dhammaan dhismayaasha maqaaxida.
Dabkan oo aan geysan khasaare nafeed ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleystay inay damiyaan gaadiidka dab damiska gobolka Banaadir oo goor dambe halkaasi gaaray.
Ilaa hadda si dhab ah looma ogaan waxa sababay dabkan inuu kaco, saraakiisha gaadiidka dab damiska ayaa inoo sheegay inay ka hortageen in dabkan uu qabsado dhismayaal kale.
Guddoomiyaha degmada Hodan iyo saraakiisha ammaanka ayaa halkaasi gaaray, waxayna ka hortagayeen in boob lagula kaco gooabha ganacsi ee halkaasi ka akdhaw.


