Baardheere-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya Qarax lagula eegtay halkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay xero ciidan oo ay degan yihiin ciidamada Kenya oo ku taala degmada Baardheere.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya lagula eegtay xero ay ka degnaayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in mararka qaar ay maqlayaan Rasaas goos goos ah oo ay ridayaan ciidamada Kenya.
Saraakiisha AMISOM ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaanan weli ka hadlin Qaraxa ka dhacay xerada Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen Baardheere.
Ilo madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka wadaan deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga degmada Baardheere.


