DHAGEYSO: Madaxweyne Gaas oo shacabka ugu hambalyeeyay Todobaadka xoriyada

Garoowe-RisaalaFM- C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Todobaadka Xoriyada.

Madaxweynaha ayaa xusay maanta oo kale 56-sano ka hor in ay ahayd maalintii ugu horeysay ee ciida Soomaaliyeed laga taago calanka Soomaaliya oo xor ah, isla markaana ay maanta farxad u tahay dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

C/wali Gaas ayaa ummadda Soomaaliyeed Eebbe uga baryey in uu siiyo dawladnimo Soomaaliyeed oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed isla markaana ka shaqeysa midnimada.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa lamid ah hawada u mariyey walaalaha Jabuuti oo iyaguna maalinnimada berri ah 27-Jun-1960 xorriyaddooda ka qaatay  Gumeystihii Faransiiska, waxaana  Madaxweynuhu Eebe uga baryey in uu sanadkan kiisa kale uu barwaaqo iyo horumar ku gaadhsiiyo dowladda Jabuuti.

Maanta ayay aheyd markii guud ahaan dalka Soomaaliya looga dabaal degay 26-ka Jun oo ah maalintii ugu horeysay ee ciida Soomaaliyeed laga taago calanka Soomaaliya.