Askari NISA ka tirsan oo lagu dilay Muqdisho

Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goor dhow lagu dilay degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho, sida uu inoo sheegay Qof goobjooge ah.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Baar Ha idhaaf, waxaana la sheegay in dabley hubeysan ay toogteen Askariga.

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in rag bistoolado ku hubeysan ay askariga ka toogteen qaybaha kore ee jirkiisa ka dib ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Waabari, ayaa in doora ka dib gaaray halkaasi, ka dib markii lagu soo wargeliyay falka goobtaasi ka dhacay.

Dilalka qorsheysan, ayaa ka dhacaya Magaalada Muqdisho, xilli sare loo qaaday heerka feejignaanta ee ciidamada ka hawlgala magaalada.