Deg Deg: AMISOM iyo Shabaab oo ku dagaalamay Sh/Hoose

Baraawe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu duleedka magaalada Baraawe ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii Ururka Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo Militeri oo ay wateen ciidamo ka tirsan Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo marayay gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo kala gaaray Labada dhinac, inkasta aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Rasaas xooggan oo saacado badan socotay laga maqlayay magaalada Baraawe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ka baxay magaalada Muqdisho waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Baraawe, sida dadka deegaanku ay inoo sheegeen.