Deeq Dawo ah oo la gaarsiiyay magaalada Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Deeq Dawo ah oo ka socota dowladda Soomaaliya, ayaa maanta la gaarsiiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay dad ugu geeriyoodeen xanuunka shuban biyoodka.

Deeqda Dawada ah ayaa maanta waxaa Maamulka Isbitaalka Magaalada ay ku wareejiyeen Wasiirada Caafimaadka iyo Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku booriyay qeybaha bulshada in ay ku dadaasho nadaafadda lana qaato talooyinka caafimaadka si looga fogaado waxyeelo ka dhalata cudurada sidan oo kale faafa.

Wasiirka Caafimaadka Maxamed Cabdinuur, oo deeqda dawada ah ku wareejinaya maamulaha Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa sheegay in deeqdan aysan aheyn tii ugu dambeysan ee ka timaada Wasaaradda Caafimaadka ayna la shaqeynayaan maamulka gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa dhibaato ba’an ku hayay cudurka shuban biyoodka Kaas oo sababay dhimasha ku dhawaad 20 ruux oo uu cudurku soo ritay.