David Beckham ayaa soo bandhigay mar kale maaliyada ay ku qoran tahay saxiixiisa tasoo kusocta xiddiga Manchester United Marcus Rashford.
Rashford, ayaa la wadaagay sawirka maaliyada isagoo loo soo diray 984,000 ruux oo uu ku leeyahay Twitter-ka, isagoo soo raaciyay qoraal ah”. waa wax aad loogu farxo in uu iisoo diro xiddig weyn qoraalkan”
Farriinta oo dusha kaga qorneyd maaliyada Baluuga ah ee Manchester United , waxa uu ku yiri Beckham “Kusocta Marcus, nasiib wacan, halkada kasii wad shaqada , waxaad ku ciyaartaa farxad iyo hami badan , waxaa ku jecel David”
Beckham, ayaa taageere weyn u ah xiddiga United Rashford, kasoo dhaliyay labo gool kulankiisii ugu horeeyay ee uu u saftay kooxda Manchester United bishii Febraayo.
41-sano jirkaan kabtanka usoo noqday England ayaa Rashford bishii March ugu hambalyeeyay in uu noqday xiddigii ugu yaraa ee gool ka dhaliya kulanka Manchester derby.