Danjire Daahiroow Doorkaan Dalka Dooji by Caasho Mohamed

 Xilli kasta oo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay soo dhawaato, waxaa Baraha Bulshada  gaar ahaan Facebook qabsada heeso halku-dheg looga dhigo “Hebel Doorta” iyo Dhigaallo ku kooban sawirrada Murashaxiinta oo kaliya, kuwaasoo ku suntan tirooyin (1,2,3…), cinwaanna looga dhigo “Mid u codee” kadibna qofkasta uu halkaa ku soo xarriiqo tirsiinada gaarka ah uu leeyahay masawirka murashaxa uu taageerada u yahay, sidaana lagu shaaciyo Natiijo aan wax macno ah soo kordhineyn.

Aniga ahaan, taa beddelkeeda waxaan jeclaan lahaa in taageerayaasha murashaxiinta oo aan aniguba ka mid ahay ay ku tartansiiyaan mudanayaasha aqoon (Diini iyo Maaddiba), waaya-aragnimo, waxqabad, taariikh & waxgal, sidaasna miisaan lagu saaro mudane kasta mustawaha uu taaganyahay.

Aan u soo daadago dulucda qormadeyda; waxaan rabaa halkan in aan idin kula wadaago warbixin gaaban oo ku saabsanMusharrax Madaxweyne Dr. Danjire Daahir Geelle iyo qodobbo midba midka kale uu kaabayo oo aan isleeyahay Danjirahu waa uu kaga mudan yahay dhiggiisa kale doorkaan.

Waa Kuma Danjire Daahir Maxamuud Geelle?

Danjire Geelle waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdishosanaddii 1966-kii, iyada ayuuna ku barbaaray oo uu ku qaatay waxbarashadiisa aas-aasiga ah iyo midda sareba. Sanadkii 1984-kii ayuu ka baxay Dugsigii Sare ee Sheekh Suufi, waxa uuna ka mid ahaa ardaydii gashay kaalmaha hore, wuxuuna ku mutaystay Deeq-waxbarasho oo Dalka Masar ah. Sanadkii 1991-kii ayuu Shahaadda koobaad ka qaatay Jaamacadda Al-azhar ee Dalka Masar isaga oo bartay Qaanuunkaa iyo Shareecada Islaamka. Intii u dhaxaysay 1991-1993 ayuu Machadka Cilmi-baarista & Daraasaadka sare ee Masar ka qaatay Diblooma sare isaga oo diyaariyay Daraasad ku saabsaneyd “Xeriirka Soomaaliya & Itoobiya. Isla Machadkaas ayuu 1995-kii ka qaatay shahaadda 2-aaad ee Jaamacadda Daraasad Cinwaankeedu ahaa “Asalka Dagaalladii Sokeeye, sababihii ka dambeeyay iyo Natiijooyinkii ka dhashay. Hadda waxa uu Machadka Cilmi-baarista iyo Barashada Siyaasadda Carabta ee Masar ka diyaarinayaa Shahaadada PhD-da.

Qiyamkiisa Siyaasiga ah:

Sida marar badan fagaarayaasha uu ka sheegay ama uu la wadaagay Bulshaweynta Soomaaliyeed, Danjiruhu waxa uu aamminsanyahay:

1. In xalka Soomaaliya lugu gaari karo wadahadal iyo siyaasad loo dhan yahay (inclusive politics).
2. In arrinta Soomaaliya ay tahay Miis-ku-dhammaato oo aan la kala adkayn.
3. In Soomaaliya u baahan tahay in la’isku hayo, loona maro in la dhagaysto Saamileeyda Siyaasadda iyo dhaqankii soo jireenka ahaa.
4. In wax walba ka horreeyaan in la helo siyaasad ku sar-go’an wadar-ogol iyo “kugusan kugusan” muquuninna ka fog.
5. In boobista awoodaha iyo go’aan qaadashada, baalmarista Dastuurka, ku tumashada xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniintu ay yihiin hogaan xumo iyo isku kalsoonila’aan hogaamineed.

Agendihiisa Siyaasadeed

Sida uu xusay, waxa uu ka duuli doonaa Afar qodob oo kala ah:

1. Dib-u-heshiisiin ku aadan sida siyaasadda guud ee Dalka ay noqoneyso, sida wax loo qaybsanayo iyo sida Dastuurka loo dhammeystirayo. Waxa uu ku sheegay in ay tani tahay Dib-u-heshiisiin sida loo wada noolaanayo iyo dowladnimadu sida ay noqoneyso looga heshiinayo ee aan xoolo la wada qalanayn kaliya.
2. Wax-ka-qabashada amniga guud ee Dalka.
3. Xal-u-helidda arrimaha Soomaaliya & Soomaalilaan iyada oo la marayo hannaan ka duwan hababkii horay loogu wajihi jiray arrimahaas.
4. Dib-u-hagaajinta Siyaasadda arrimaha dibedda. Waxa uu tani ku sheegay in uu ka shaqeyn doono in Soomaaliya ay yeelato diblumaasiyad qaangaar ah oo Galoofis xariir ah loo geliyay islamarkaana danta Soomaaliya dunida ka keeni karta; haddii dunidu wax innooga soo baahatana ay naga heli karto iyadoo asal ay tahay danta Soomaaliya.

Guulihiisa Shaqsiga ah & Middiisa Siyaasadeed

1. Wuxuu xubin firfircoon ka ahaa Garabkii Siyaasadda ee Maxaakiimta isagoona qayb ka ahaa wadahadalladii gaarka ahaa iyo kuwii guud ee Maxkamadihii iyo Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd sanaddii 2007kii, kuwaa oo ka kala dhacay Dalalka Suudaan, Jabuuti iyo Yemen.
2. Wuxuu kaalin firfircoon ku lahaa wadahadalladii Nabadeed ee u dhaxeeyay Xukuumaddi Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dib-u-Xoreynta Dalka ee ka dhacay Jabuuti ayna ka dhalatay Dowlad wadaagga ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed billowgii 2009-kii.
3. Arrimaha Bulshada ayuu in badan kasoo shaqeeyay sida dhisidda Isbitaallo dan guud & Goobo-waxbarasho, wuxuu sidoo kale yagleelay Idaacado iyo Ganacsiyo guuleystay.
4. Waxa uu ahaa samafale u soo shaqeeyay Ummadda Soomaaliyeed xilliyo adag isaga oo Dalka ka hirgeliyay Hay’ado samafal.
5. Waxa uu ahaa xildhibaan Baaralamaankii 8-aad ee Soomaaliya, isla markaas wuxuu si shaqsi ah u soo diyaariyay Sharcigii Dhaxal-dhowr ee sida aqlabiyadda lahayd ay u ansixiyeen xildhibaanaddii Golaha Shacabka, sharcigaasoo budhig u noqday kiiska dacwadda badda ee ay Kenya muranka gelisay.

Xilalkii uu soo qabtay inta uu ku jiray Arrimaha Siyaasadda

Wuxuu soo qabtay dhowr-jago oo aan ka xusi karo:

2001-2004 : wuxuu ahaa u qaybsanihii Dibadda ee Wasaaradda Caddaaladda, Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan.
2009-2012: Waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baaralamkii 8-aad ee Soomaaliya.
August 2009- July 2010: Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya. Waxaa uu xilligaas boorka ka jafay Warbaahinta Afka-Dowladda ku hadasha ee SNTV & Raadiyo Muqdisho iyo sidoo kale Wasaaraddii Warfaafinta.
2012-2013: Waxa uu ahaa hoggaamiyihii iyo aas-aasihii Madasha Daljir ee wadahadallada Soomaaliya.
2013-2015: Waxaa uu ahaa la-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheikh ee xagga Carabta iyo Arrimaha Diinta.
2015-2018: waxa uu safiir ka soo noqday Dalka Sacuudiga isaga oo meel sare gaarsiiyay xeriirka labada Dal. Waxa uu sidoo kale ahaa Safiirka aan degganeyn ee Dalalka Urdun iyo Baxreyn.
2018-2019: Waxa uu mar kale noqday Wasiirka Warfaafinta.

Muxuu kaga Duwanyahay Murashaxiinta kale?

Wuxuu Guulle ku galladay aqoon diineed iyo mid maaddi oo darajooyin sare gaarsiisan.
Waxa uu la soo shaqeeyay inta badan dowladihii Dalka soo maray (Cabbdi Qaasim, Cabdullahi Yusuf AUN, Sharif, Xassan Sheekh & Farmaajo). Sidaa darteed, waa siyaasi muddo ka badan 25 sano geed-fadhi iyo gole-joog ka ahaa arrimaha Soomaaliya.
Waxa uu leeyahay Sooyaal-siyaasadeed oo naajix ah isla markaasna aan garaafooyin lahayn. Xilalkii uu soo qabtay mid uu kusoo fashilmay weli ma dhicin, tiiyoo ay jirto in lagu ammaano howlihii uu ka soo qabtay xafiisyadii dowladda ee uu kasoo shaqeeyay iyo sidoo kale ha’adihii gaarka ahaa.
Waa siyaasi hadalka gole ka fuul u leh, fasaxaad Eebbe hibo u siiyay, runtana mar walba abaara xitaa haddii ay qaraar tahay.
15: Waa Siyaasi fagaaraha yimaada, marwalba diyaar u ah in shacabka Soomaaliyeed ay feteshaan Sooyaal-siyaasadeeskiisa si ay wax badan u ga ogaadan, islamarkaana aan dhuumman.

Ugu dambeyn:
Hadda waa Murashax u taagan qabashada Xilka Madaxweynenimo markiisii ugu horreysay; ogoowna agaasime ayuu kasoo bilaabay u adeegista qaranka, jaranjarrooyin badan ayuu soo maray si uu u gaaro kursiga uu hadda u sharaxanyahay.

Ugu dambeyn, in kastoo Natiijada Doorasha Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ay madal iyo maalin leedahay, Mowlena uu makaninayo mudanaha Mutaystay, waxaan  Guulle guul uga rajeynayaa Mudane Geelle oo aan ku kalsoonahay– dad badanna ay qirsanyihiin in aysan hoggaamintiisa Soomaali ku qasaari doonin, idan Eebbe. Waxaan qormadeyda ku soo gunaanadaya: “Darxumada si aan uga baxno iyo diifta nagu raagtay, Dalku waa u baahnaa halyeey Daadahayn kara e, Danjire Daahiroow Doorkaan Dalka Dooji”.

 

Qorshaha Geelle oo kooban: http://dahirgelle.so/so/my-agenda/

Taariikdiisa: http://dahirgelle.so/so/about-me/

Bogga gaarka ee Facebook uu ku leeyahay Murashaxa: https://www.facebook.com/DahirMGelle/

Raalli noqo haddii aan qoraalka kugu dheereeyay, haddii aad ka heshayna share dheh walaal. Mahadsanid.

W/Q: Caa’isha Maxamed Guleed