Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya in ay ka go’an tahay dhismaha Maxkamadda dastuuriga oo ka mid ah tiirarka muhiiimka ah ee ay ku taagan tahay dowladnimada.
Waxaa uu sheegay in Maxkamadda dastuuriga ah ay soo afjari doonto khilaafka soo jireenka ah ee inta badan ka dhex dhaca Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo inta badan awooda isku qabsada.
Waxaa uu xusay in Maxkamadda dastuuriga uu ku dhisi doono si waafaqsan sharciga dowladda Federaalka ee Soomaaliya, islamarkaana uu kala tashan doono hay’addaha kale ee dowladda.
Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday in ay siiyaan codkooda si uu rumeeyo rajada dadka Soomaaliyeed ay qabaan in ay helaan dal uu shaqeynaayo sharciga iyo kala dambeynta.
Daahir Geelle oo ka mid ah ruugcadayaasha Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa horay u soo noqday labo jeer, Wasiir, xildhibaan iyo Safiir dalal dhowr ah, waxaana uu hadda uu ka mid yahay musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha.



