Daniel Alves oo berri Tijaabada Caafimaadka u maraya Kooxda Juventus

Dani Alves ayaa tijaabada caafimaadka u maraya Juventus berri oo isniin ah oo uu tagi doono magaalada Turin.

Sky Sport Italia ayaa ku warameysa in daafaca midig ee Brazil inuu berri subax tagi doono Italy si uu baaritaano caafimaadka ah ugu sameeyo kooxda Bianconeri.

Waxa uu si xor ah ku imaanaya Juventus iyadoo qandaraaskiisa Barcelona uu u ogolaaday inuu kooxda ka tago sannad ka hor inta uusan qandaraaskiisa dhamaanin.

Alves ayaa 33 sanno jir noqday bishii hore, waxaana uu Barcelona joogay tan iyo 2008.

Alves ayaan aheyn saxiixa kaliya ee ay Juventus sameysay xagaagan, iyadoo Miralem Pjanic ay kala soo wareegeen kooxda AS Roma iyagoo ku soo iibsaday 32 milyan euro.