Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo meel xiiso badan uu marayo Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa galabta ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Kaaraan.
Waxaa Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sandkan taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.
Degmooyinka Waaberi iyo Kaaraan ayaa galabta tartamay kulankooda 3-aad ee Tartamka Degmooyinka Risaala.
Degmada Waaberi ayaa galabta waxa ay ka adkaatay degmada Kaaraan kadib markii degmada Waaberi ay la timid dhibco gaaraya 11 halka degmada Kaaraan dhankeeda ay keensatay 6 dhibcood, sidaasina waxaa galabta Tartanka uga hartay degmada Kaaraan.
Wareega 3-aad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa horey ugu gudbay Degmooyinka Awdheegle, Dharkeynley, Howlwadaag iyo Wadajir waxaana galabta sidoo kale u soo gudubtay degmada Waaberi oo ka soo adkaatay degmada Kaaraan.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Guddiga Tartanka Degmoooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada tartankii udhaxeeyay degmooyinka Waaberi iyo Kaaraan.
Maalinta beri ah oo Bisha Ramadan ay noqon doonto 22 waxaa tartami doona degmooyinka Kaxda iyo Boondheere.


