Xulka France ayaa u soo gudbay wareega 8da ee koobka Euro 2016 ka dib markii ay guul soo laabasho ah ka gaareen xulka Jamhuuriyada Ireland iyagoo 2-1 uga badiyay xill Antoine Griezmann uu noqday geesiga Les Bleus isagoo dhaliyay labada gool.
Xulka martigelinaya tartanka Euro 2016 waxa ay wareega 8da ku sugayaan xulkii habeen danbe soo baxa England ama Iceland laakiin France waxaa kulankaas ganaax kaga maqnaan doona labo xiddig oo muhim u ah macalin Didier Deschamps.
Xiddiga burburiyaha khadka dhexe N’Golo Kante ayaa jaale qaatay kulankii maanta daqiiqadii 27aad taasoo ka dhigeysa inuu ganaax ku seegayo kulanka laga yaabo inay wareega 8da ku wajahaan England waa haddii ay ka soo gudbaan Iceland.
Sidoo kale waxaa kulankii maanta calaamada hurdiga ah qaatay daafaca Adil Rami kaasoo isna seegaya kulanka wareega 8da oo ay ciyaari doona 3da bisha July, iyadoo ciyaartaas ay ka dhaci doonta Stade de France ee magaalada Paris.


