Dani Carvajal Oo Dajiyay Niyadda Jamaahiirta Real Madrid

Real Madrid ayey dhibaato soo wajahday markii daafacooda midig Dani Carvajal dhaawac looga saaray kulakii lugta hore wareega semi final-ka Champions League, markaas oo ay kooxdiisa 3-0 guul ku gaartay.

Dani waxaa la dareensan yahay inuu kooxda ka maqnaan doono kulamada ka haray horyaalka, balse hamigiisa wuxuu yahay inuu kasoo muuqan akro finalka 3-da June ka dhici doona Cardiff hadii ay kooxdiisa usoo baxdo.

“Waxaan isku dayaa inaan kooxda caawiyo anigoo ka fog hadad” ayuu 25-jirkaan u sheegay warbaahinta, “waxana rajeynayaa inaan taam buuxa u noqdo inaan cyiaaro finalka hadii aan gaarno, basle waxa ugu muhiimsan waa in kooxda halkaas tagtaa sababtoo ah waxaa na horyaala kulan adag oo ka dhici doona Calderon”

“Hadii aan gaarno final-ka, kadib hadafkeyga wuxuu yahay inaan nafsadeyda ku qasbo iney taam u noqoto, waxaana sameyn doonaa shaqo ada”