Dani Alves oo iska beddelay lambarka maaliyadda PSG

Difaaca kooxda Paris Saint-Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay inuu ka taqallusay lambarka 23 ee maaliyadda kooxdiisa.

Difaacii hore ee Barcelona ayaa u wareegsada xirashada lambarka 13-aad ee kooxda PSG.

Laacibka reer Brazil ayaa caddeeyay inuu ku xusayo ila markaasna uu ku sharfayo lamabarkan halyeeygii hore ee ay iska waddanka yihiin ee Mario Zagallo.

Zagallo ayaa caan ku ahaa lambarka 13, isagoo ka ciyaari jiray garabka, waxaana uu ku guuleystay Koobka Adduunka afar jeer.

35-jirka Juventus kaga soo biiray PSG xagaagii hore si bilaash ah, ayaa dabci u leh inuu si xushmad ah u xirto lambarro uu sheegay inay xirteen ciyaartoy uu taageero u yahay.

Intii uu ka tirsanaa Barcelona, isagoo xiran lambarka 2 ayaa uu u beddeshay lambarka 22 si uu ugu xuso saaxiibkiis Eric Abidal oo xanuun garoomada uga baxay.

Sidoo kale markii uu Xavi Hernandez ka tagay kooxda Barcelona ayuu xirtay lambarkii uu ka tagay ee lambar 6.