Dalka oo dhan oo maanta laga sooman yahay

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa markii u horeysay waxaa maanta si isku mid ah looga soomay gobolada dalka Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay maalmo la kala soomi jiray.

Gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo ka mid ahaa meelaha khilaafyada ka imaan jireen, isla markaana degmooyinka gobolkaas maalmo la kala soomi jiray, ayaa saakay laga wada soomay, kadib markii la sheegay in qeybo ka mid ah gobolka shalay laga arkay bisha Ramadaan.

Gobolada Koofureed ee Soomaaliya ayaa iyana si isku mid looga soomay, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in maanta ay Soon tahay.

Waxaa kaloo laga sooman yahay maanta Gobolada Puntland iyo Somaliland, lama soo sheegin ilaa iyo hada meelo aan laga sooneyn oo uu khilaaf ku jiro, marka la eego sida ay umada isugu waafaqsan tahay in maanta ay maalinta koowaad ay tahay bisha Ramadaan.

Dhinacyada kala duwan ee maamulada dalka ayaa ugu baaqay dadweynaha inay u hogaansamaan awaamiirta bisha Ramadaan iyo waxyaabaha la reebay, sida in aan la furin maalinkii goobaha lagu cunteeyo, iyadoo loo digay.