Dhalinyaradan oo tiradoodu lagu sheegay 150 ruux ayaa doonayay inay ka tahriibaan xeebaha Wadanka Masar, Waxana ay ku sii jeedeen Wadamada Yurub.
Ciidamada amniga ee dalka Masar ayaa waxa ay ka soo qabteen xeebaha dalkaasi, xilli ay ku guda jireen howlo tahriib ah.
Dadka la soo qabtay ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan wadamada Soomaaliya, Eretria iyo Sudan.
Dhalinyarada qaar ee ku xiran xabsiga Buxayra ee Wadanka Masar ayaa la sheegay in xabsigaas ay ku xiran yihiin muddo ku dhow bil, waxaana xabsigaas uu 20 KM ujiraa magaalada Alexandria ee dalka Masar.
Dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaas oo horey looga daayay xabsiga dalka Masar ayaa ka mid noqday dadkii 12-kii Bishan ay doonta kula qalibantey bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee wali ku xiran xabsiga dalka Masar ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga sii daayo xabsiga, waxaana dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalalka kale ay marwalba cabasho ugudbiyaan madaxda Soomaaliya.


