Toni Kroos ayaa bartilmaameed u ah khadka dhexe ee ugu sareya ee suuqa uu ka doonayo macalinka cusub ee Manchester City Pep Guardiola.
Tababaraha Manchester City ayaa qorsheynaya in uu kusoo daro safkiisa xididga kgadka dhaxe ee Jarmalka.
Waxa uu doonayaa Real Madrid inuu kasoo qaato si uu ula mideeyo Ilkay Gundogan,oo 25 jir ah, kaasoo qarka u saaran inuu £ 18million ugu biiro City.
Guardiola ayaa ka shaqeeyay Kroos, oo 26 jir ah, inuu ka tago Bayern Munich saddex sano ka hor markii uu qabanayay shaqada kooxda Jarmalka.
Laakiin wuxuu hadda aad u jecleystay ciyaaryahanka oo sanad wanaagsan ku qaadanaya Madrid.
Hadda waxay markale ku midoobi karaan Etihad ,waxaana macquul ah in Real Bedelkiisa qaadato Pogba oo katirsan kooxda Juventus.


