Dagaal ayaa ka socda dhul beereedka ciidciidka Jeembilow ee Mahadaay oo ay Alshabaab muddo bil ka badan ku jiraan, dhulkaan oo howd ah ayey xubno ka tirsan Alshabaab galeen muddo laga joogo bil.
ciidanka ayaa maanta dagaal xoogan ku qaaday sida ay waraku nagu soo gaarayaan, waxaana ka dhacay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo inta la xaqiijiyey 1 askari ayaa dhintay 2 way dhaawacmeen.
ilaa hadda lagama gaarin wax guul ah sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha.



