madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay kusoo laabtay Muqdisho kadib safar muddo laba bil ah uu ku joogay Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb, inakstoo uu goballe kale u safray intuu halkaas joogay, marna uu safar laba cisho ah ku tagay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dibadiisa u safray.
Safarka madacweynaha ayaa warar lagu kalsoonyahay Risaala u xaqiijiyeen inuu ku aaday dalka Ereteriya oo uu kula soo kulmi doono dhiggiisa Asias Afwarki. Ereteriya ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya u tababara ciidamada gaar ahaan Mileteriga Soomalaiya ee gaarka ah.



