Dagaal u dhexeya laba maleeshiyo beeleed oo ka socda gobolka Galgaduud

Dhimasho iyo  Dhaawac ayaa ka  dhashay dagaal u dhexeya laba maleeshiyo Beeleed oo ka socda  degaano ka tirsan gobolka  Galgaduud.

Dagaal soo bilowday xalay xiligii dambe ayaa wali ka socda Deegaanka Bidhaan-dheere oo u dhaxeeya Magaaladda Dhuusamareeb iyo Degmadda Gadoon.

Dagaal ayaa bilowday kadib markii dad reer guuraa ah ay dhul isku qab sadeen dhul waxaana jirakhasaare soo gaaray  Maleeshiyaadka dagaalamaya  .

Xiisadda Saakay ka taagan Bidhaan-dheere waxa ay kusoo aadaysaa aydoo inta badan maanta Gobolka Galgaduud ay tagaan tahay Colaad u dhaxeeya qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug.

 

Mana  jiro  ilaa hadda Cid kala dhex gashay Maleeshiyaadka dagaalamaya  iyadoo Xiisadaan ay ku soo aadeyso xilli degaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud  ay ka jiraan Colaad salka ku heyso aano qabiil