Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay J/Hoose

J/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degaanka Haawina oo u dhaxeeya Dhoobley iyo Qooqaani ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal kooban.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya, kuwaas oo sahay u waday Ciidamo ku sugan Degaan ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegay Dagaalkan in ay ku dileen 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, sidoo kalena ay gubeen Gaari nuuca Dagaalka ah oo ay lahaayeen Ciidanka Kenya.

Saraakiisha Kenya weli kama aysan hadlin weerarkan ka dhacay Degaanka Hawiina oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.