Chelsea Oo Been Ka Sheegtay Lacagta Ay Kula Soo Wareegtay Hazard

Chelsea ayaa la sheegay in € 35 million ay kooxda Lille ciyaryahanka garabka ka ciyaara ee Eden Hazard, halka markii hore la shaaciyay in €40  million ay kula soo wareegeen.

Ninka heerka caalami ee dalka Belgium ka helay lacag dhan €2.4 million oo gunno ah magcaabistii loo magcaabay ciyaaryahankii ugu wanaagsan Premier League 2015, sida lagu sheegay wargeyska Le Soir

Ninka reer Belgian ayaa la daabacay hada dhaqaalaha rasmiga ah ee lagu soo qaatay iyo qandaraaska uu ka qaato kooxdiisa sanadkiiba.

Chelsea ayaa 2012, waxay mushaaar ahaan u siisay ciyaryahanka €4,71 milyan laakiin xili ciyaareedkiisii xigay ee kooxda ayaa mushaar ahaan loo siiyay € 5 million.

Markaas, kadib ninka reer Belgian ayaa saxiixay qandaraas cusub sannadkii 2015, waxaana mushaar ahaan uu ku kacayay qandaraaskaas €12.5 million

“Heshiiska hore ee Eden Hazard kooxda Chelsea ayaa ka yaraa qiimaha lagu sheegay sida warbaxinta Football Leaks lagu soo bandhigay maanta.