Dagaal ka socda galbeed Sool iyo SSC-KHAATUMO oo war ka soo saartay

Dagaal xooggan oo dhawr jiho ah ayaa maanta waxaa uu ka socda nawaaxiga Buq-dharkayn ee galbeedka gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo SSC-KHAATUMO.

Ciidamada Somaliland ayaa maanta weerar dhawr jiho ah ku soo qaaday difaacyada hore ee ciidamada SSC-khaatumo, sida ay sheegtay SSC-KHAATUMO.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo sheegaya dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin tirada khasaaraha labada dhinac.

 

Dhinaca kale maamulka SSC-KHAATUMO oo war ka soo saaray dagaalka ayaa Soomaaliland ku eedeyay in ay iyadu ka dambeeyeen masuuliyada dagaal, waxaana SSC-KHAATUMO ay sheegtay in ay iska difaacda weerarka.