Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka socda degaanka qabno oo u dhow degmada Matabaan.
Degaanka Qabno ayaa waxaa horay ugu sugnaa Xubno katirsan Al-Shabaab oo ay u taallay Bar-koontorool oo ay lacagaha ku qaadi jiray balse ay saaka la wareegeen Ciidamada dowladda, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada oo howlgal wada.
Dadka degaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan ayaa Risaala u sheegay inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay is weeydaarsanayaan labada dhinac.
Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa saaka waxaa qarax geystay dhimasho iyo dhaawac lagula eegtay Kolonyo uu la socdo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com



