Wasiirka Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada oo hortegay Baarlamaanka Puntland

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka oo ay soo xaadireen 47 mudane ayaa waxaa Maanta hortegay Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Puntland kuwaas oo Golaha la wadaagay xaaladda Amni ee guud ahaan degaannada Puntland.

Xildhibaannada ayaa dhankooda su’aalo ka weydiiyay Wasiirka iyo Taliyeyaasha dhammaan qorshayaasha Amni ee degaannada Puntland., waxaana xusid mudan in ka hor furitaanka kulanka ay Xildhibaannada u codeeyeen in Warbaahinta banaanka looga saaro Warbaahinta.

Sababaha ugu weyn ee Maanta Golaha Wakiilada ay u hortageen Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa lagu sheegay inay maalmahaan jirtay habac sanaan dhanka Amniga ah, iyada oo howlgallo kala duwan ay wadeen Ciidamada Maamulka Puntland.