Dagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland,waxaana uu ka socdaa deegaanka Taaroge ee Gobolka Mudug,waxaana jira khasaaro ka dhasha dagaalka.

Dadka deegaanka taaroge oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu saakay bilaawday welena la maqlayo rasaas goos goos ah,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii uu deegaanka Taaroge Ee Gobolka Mudug uu dagaal ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan,waxaana guddoomiyihii Gobolka Mudug ee dhawaan qaraxa lagu dilay uu sheegay in dagaalkaas uusan saameyn ku laheyn labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Wararka kusoo kordha dagaalka degaanka Taaroge Ee Gobolka Mudug kala socda www.Radiorisaala.com