Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex-maray dueledka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee degmada Baraawe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, sidoo kalena ay jireen Madaafiic dhowr aheyd oo ay isku rideen labada dhinac.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM ay weerarka, kaddib howlgallo ka sameeyeen degaannada ku yaalla duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, in kastoo aan weli la sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalkaas.