Dagaal Ka Dhacay Bariga Gobalka Mudug

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Bari gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal beeleed khasaare geystay uu ka dhacay deegaano ka tirsan bari gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhintay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay sheegeen dadka kunool deegaanka Bali busle oo ah halka lagu dagaalamay.

Dagaal ayaa salka ku haya aanooyin qabiil , waxaana la sheegaya ka hor inta uusan dhacin dagaalka in ay beelaha dirirto dhex martay ay kala dhaceel xoolo sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

Gudoomiyaha deegaanka Balibusle oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in xaalada deegaanka ay hada dagan tahay , iskastoo uu sheegay in ay suurta gal tahay in uu marka kale dagaal ka dhaco halkaasi.