Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ee gobolada Baay & Bakool.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dabeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.
Dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen hubka culus iyo mid fudud oo ay iskau adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro xoogan ku garsiiyeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay ka dileen dhowr dagaalyahan oo doonayay in ay carqaladeeyan socdaalkooda sida uu hadalka u dhigay.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Koonfur Galbeed ay socdaalkoodii ay iska sii wataan, sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo gaar ah, balse aan wax natiijo ah kasoo bixin.



