Dadweynaha Beledweyne qaar ka mid ah oo guryahooda ka barakacay

Dadweynaha Magaalada Beledweyne qaarkood oo guryahooda ka barakacay, kaddib markii uu mar kale fatahaad sameeyay webiga Shabeelle

Qaar ka mid ah dadka magaalada Baladweyne ayaa mar kale ka barakacay guryahooda kaddib markii uu dhawaan karkaaraha jabsaday webiga Shabeelle.

Fatahaadda webiga ayaa waxaa dadka ugu sii darsantay roob mahiigaan ah oo saacad iyo bar magaalada ka da’ay Axaddii, kaas oo xaaladda uga sii daray.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa dowladda dhexe ee Soomaliya ka codsaday in wax laga qabto Fatahaada Wabiga Shabeelle.