Halyeey Liverpool Ah Oo Sharraxay Sababta Aysan Arsenal Wakkhtigaan Usoo Jiidan Karin Macalin Magac Weyn

Falanqeeyaha heerka sare ee ka tirsan hillinka Sky Sports ahna halyeey horay usoo maray Liverpool (Graeme Souness) ayaa aaminsan in tababare Carlo Ancelotti uusan isku dayi doonin shaqada Arsenal kadib markii laga ceyriyay doorkiisii Napoli.

Macalinka reer talyaani ayaa laga ceyriyay shaqada kooxda Napoli kadib markii ay 4-0 ku dileen wiilashiisa kooxda Genk kulan ka tirsan Champions League, balse go’aanka waxaa loo sababeeyay 9-kulan oo aysan kooxda guul gaarin dhamaan tartamada oo dhan.

Ancelotti waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah macaliminta ugu guulaha badan wakhtiga oo dhan kubadda cagta, 20-koob ayuu kula guuleystay lix kooxood oo kala duwan, waxaana ku jira saddex koobka UEFA Champions League.

Si kastaba Souness oo la hadlayay Virgin Sport Media ayaa ka dhawaajiyay inuusan ku fakareynin shaqada Arsenal inuu codsanayo macalinka reer talyaani.

“Miyuu macalin weyn qaban doonaa wakhtigaan Arsenal? ma hubo” ayuu yiri Graeme Souness.

“Waxey ila tahay in Ancelotti uu yahay macalin weyn, hadii aad fiiriso shaqooyinkiisii Real Madrid, PSG iyo Chelsea – waad ogtahay iney Arsenal tahay koox cajiib ah, balse wakhgigaan la joogo waa shaqo u adag cid walba oo hesho”