Dadka ku dhintay daadadka Magaalada Khardho oo kordhay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay daadadkii ku rogmaday Xaafado ka tirsan Magaalada Khardho ee Xarunta Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar.

Ciidamada Qeybta Booliska Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ay wadaan Gurmadyo kala duwan,waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka Khardho ay sheegeen in loo  keenay ilaa 7 Ruux oo Meyd ah,kuwaas oo daadadka ku dhintay.

Dadka Xaafadaha qaar laga soo badbaadiyey iyo kuwa ku dhintay ayaa waxaa  ku jira Hooyo iyo laba Carruur ah oo ay dhashay,waxaa sidoo kale burburay Goobihii Ganacsiga ee Magaalada.

Xaalad cakiran ayaa ka taagan Magaalada Khardho,waxaana gaaray Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi Wasiiro ah,kuwaas oo u kuurgalaya xaaladaha kajira Khardho iyo khasaaraha ka dhashay daadadka ku rogmaday.