Kiisaska Covid 19 ee Soomaaliya oo gaaray 528 iyo Koonfur Galbeed oo kusoo biirtay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 48 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 528 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

Warbixinta maanta ee Wasaarada Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd:

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 48 qof.

> Koofur Galbeed: 4

> Jubbaland: 3

> Benadir: 41

> Tirada Guud: 528
> Dhimashada Guud: 28
> Bogsashada Guud: 19