Dad weli laga baadi goobayo dhismihii shalay ku burburay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Qoysas ehelkooda ka maqan ayaa saaka soo buux dhaafiyay goobta uu shalay qaraxa ka dhacay ee degmada Xamar Jab Jab ee gobolka Banaadir.

Dadka ayaa nolol iyo geeri ku baadi goobaya ehelkooda, maadaama dhismaha uu qaraxa qabsaday uu soo dumay shalay, islamarkaana uu burburay.

Hodan Maxamed Sheekh Nuur oo 14 sano jir ah ayaa ka mid ah dadka la baadi goobayo, sida ay Risaala Media u sheegeen ehelkeeda.

Gabadhan ayaa aheyd ardayad xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay Inay ku sugneed goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa weli ku sugan goobta, iyagoona dadka u diidaya in ay gudaha u galaan halka uu ka dhacay qaraxii shalay.

Sidoo kale dhismaha ayaa weli laga raadinaya inay dad ku hoos jiraan iyo in kale.