Duqeymaha xasuuqa ee ay Israa’iil ka wado Qasa ayaa maalintii labaad si joogta ah u socda , iyadoo goob kasta oo ka tirsan marinka Qasa ay ku dhacayaan bambooyinka diyaaradaha Israa’iil oo tobannaan ruux weerar walba ku dilaya, balse dhawaqa ugu darran waa midka ka imaanaya isbitaallada Qasa oo si isku mid ah u sheegaya inaysan lahayn awood ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan dhaawacyada , kaddib markii dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ay ku burbureen weerarrada Israa’iil, taasoo dhalisay inuu daqiiqad walba geeriyoodo qof dhaawac ah, sida uu ku warramay telefishinka Al Jazeera oo xiganaya waaxda caafimaadka Qasa.
Xaaladan waxay dhalisay inay Xamaas ku celceliso baaqa ku aaddan in lagu cadaadiyo Mareykanka iyo Israa’iil inay joojiyaan xasuuqa ay ka wadaan Qasa oo ay ixtiraamaan heshiiskii xabbad-joojinta dibna loogu laabto miiska wada-hadalka.
La taliyaha warfaafinta ee xafiiska siyaasadda Xamaas,Taher Al-Nono wuxuu u sheegaya Al Jazeera in looga baahanyahay dhex dhexaadiyayaasha, waddamada Carabta , dalalka Islaamka iyo dunidda xorta ah inay u istaagaan joojinta xasuuqa ka socda Qasa oo uu ku tilmaam Netenyahu uu ka leeyahay ujeeddo siyaasadeed oo kursiga uu ku sii joogo iyo inuu xubnaha midigta fog ku soo celiyo xukuumadiisa.



