Ilaa laba ruux ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen halka kuwo kale ay la jiifaan Cudurka loo yaqaano Gawracatada kaas oo ka dilaacay deegaano ka tirsan Soomaaliland.
Cudurkaas oo ah mid halis ah ayaa waxaa uu ka dilaacay deegaan lagu Magacaabo War-Idaad oo ka tirsan Gobolka Togdheer,halka isbitaalka deegaankaas la geeyey tiro dad ah oo Carruur u badan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Togdheer ayaa booqday Isbitaalka dadkaasi ay ku jiraan, iyaga oo ku baaqay in dadla la xanuunsanaya cudurka Gawracatada loo soo gurmado.
Cudurkaas ayaa inta badan waxa uu ku dhacay Carruurta da’dooda ka yartahay 5 Sano,waxaana qofka uu ku dhaco baraya Qanjirada ee qeybo kale oo jirkiisa ah sida ay sheegeen Dhaqaatiirta deegaanka Sarar.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaalilnad ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dhaqaatiir u dirto deegaano ka tirsan Gobolka Togdheer oo uu cudurka Gawracatada ka dilaacay.




