Dad shacab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho

In ka badan 7 Qof qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa xalay  ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta, waxaana halkaas ku geeriyooday 7-qof, waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada Sida ay warbaahinta Risaala u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah .

Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa.

Ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa gaaray goobta oo soo daabulay dhaawacyada iyo meydadka dadkii  Qaraxa ku geeriyooday

Maalmihii la soo dhaafay  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhay qaraxayada dadka shacacka waxyeelada ay ka soo gaaray