Booliska oo war ka soo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho

Taliska Booliska qayb guud ee gobolka Banaadir ayaa ka war bixiyay khasaaraha ka dashay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska qaybta guud ee gobolka banaadir ayaa lagu sheegay in Qarax miino oo ka dhacay isgoyska  SOS  degmada Heliwaa uu waxyeelo ka soo gaaray dad shacab ah waxana ay ku Eedeeyen booliska in Qaraxaasi  mas’uuliyadiisa ay leeyihiin Alshabaab.

Qoraalka Taliska Boliska Qaybta Guud ee gobolka Banaadi ayaa u qornaa sidaan:

Warsaxaafadeed

Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.

Alshabaab, ayaa Xalay  fiidkii 19 Feb 2024,  qarax ah la eegatay gaari nuuca dadweynaha ah iyo mooto bajaaj marayay  isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa.

Qasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah dhimashada 5 qofood iyo dhaawaca tobaneeyo kale, oo dhamaantood goobta marayay.

Ciidamada Amaanka oo goobta ku baxay, ayaa gurmad la gaaray dadkii shacabka ah ee goobta ku wax yeeloobay.