Dad lagu laayey Afrikada Dhexe

Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof lagu dilay weerar ka dhacay xero ay ku jireen dad barakacayaal ah oo u dhow tuulada Bartamaha dalkaas ku taalla ee Ngakobo.

Weli ma cadda cidda qaadday weerarka oo dhacay goor habeennimo ah. Weerarka wuxuu ku soo beegmayaa seddex maalmood ka dib markii ilaa 30 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday xero kale oo ku taalla isla waddankaas.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa ku eedeeyey miliishiyada musilimiinta ee Seleka weerarkii dhacay Arbacadii. Dalkaas ayaa la daalaa dhacaya sidii uu uga soo bixi lahaa colaadda sokeeye ee billaabatay 2013, taasoo ay ku bara kaceen in ka badan shan meelood oo meel dadkii waddankaas.