Doorashada xubnaha Aqalka Sare oo Cadaado ka Socota

Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa u tartamayay 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.

Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Dowlad goboleedka Galmudug u matala aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug waxa ay doorteen 5 xubnood oo ka mid noqon doonaan xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka Galmudug.

Waxaa Saaka markale ka bilaabatay magaalada Cadaado doorashada xubnaha ka dhiman  Aqalka Sare ee ka imanaya deegaanada maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa in maanta la doorto 3 xubnood oo shalay kasoo haray 8 xubnood ee laga rabay maamulka Galmudug.

Doorashada ayaa socota hada waxaana codeynaaya xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa Hada Kursiga Lixaad ku guuleysatay Jawaahir Axmed Cilmi , waxaana ay ka guuleysatay Cabdisamad Macalin Maxamuud.