Magaalada Cadaado Waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka Galmudug , waxaana xubnahaasi dooranaya xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Shalay waxaa la doortay Shan xubnood doorashada oo maanta dib u bilaabatay ayaa saaka kursiga lixaad waxaa loo doortay Jawaahir Axmed Cilmi .
Jawaahir Axmed Cilmi ayaa waxaa la tartamay xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Waxaa dhiman labo xubnood oo kaliya xubnihii sideeda ahaa ee loogu talagay in ay ka yimadaan deegaanada maamulka Galmudug.
Kala soco doorashada Risaala.net


