Dad ku eedeysan dilkii Axmed Dowlo oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho-RisaalaFM– Saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen dadkii gubay, sidoo kalena dilay Marxuum Axmed Dowlo ayaa la soo qabtay.

Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Booliska degmadaasi oo iskaashaday ayaa suurageliyay inay gacanta ku soo dhigaan Saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen dadkii gubay, sidoo kalena dilay Marxuum Axmed Dowlo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Yariisow ayaa bartiisa xiriirka bulshada ee Facebooka ku xaqiijiyay soo qabashada dadkan.

“Maamulka Degmada Yaqshiid iyo Booliska waxey ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo, waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada, waqtigii damiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay.” Ayuu yiri Yariisow.

Axmed Dowlo ayaa waxaa loo dilay arrimo la xiriira heyb sooca, kadib markii wiil uu adeer u ahaa uu jeclaaday gabar ay deris ahaayeen, midaasina ay ka soo horjeesteen reerka gabadha.

Booliska Soomaaliya ayaa horey waxa ay u sheegeen falkaasi in dad loo soo xiray.