Dad ku dhaawacmay qaraxyadii xalay oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray

Maamulka isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dad dhaawacyo qabay oo la gaarsiiyay isbitaalka ay u dhinteen dhaawacyo halis ahaa oo kasoo gaaray qaraxii ka dhacay agagaarka Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxa Caafimaadka isbitaal Madiino Duniyo Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadashay gudaha isbitaalka Madiino ayaa sheegtay in dad qabay dhaawacyo daran ay qaarkood u dhinteen waxyeeladii soo gaartay.

Ku dhawaad sideed ruux ayay sheegtay iney dhaawacyadii soo gaaray u dhinteen, maadaama qaarkood ay halis ahaayeen.

Sidoo kale waxay sheegtay iney jiran dad kale oo dhaawacyo qaba oo isbitaalka la gaarsiiyey, waxayna guud ahaan tirada ku sheegtay iney gaarayso inka badan 30 ruux.

Dhinaca kale maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in seddex kamid ah haweenka nadaafada ka shaqeeya iney kamid ahaa dadkii xalay ku dhintay qaraxii ka dhacay agagaarka Hotel Muna kaasi oo ahaa qaraxii labaad.

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay weerarka iyo qaraxyadii xalay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo lagu qiyaasay ku dhawaad 20 ruux.