Wararka naga soo gaaraya bariga gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya Alshabaab ay ka saareen deegaano kale oo ku yaala bariga Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada dowlada oo taageero ka helaya AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanada War-ciise iyo Qoordheere oo ku yaala bariga Shabeelaha Dhexe, sida masuuliyiinta maamulka ay inoo xaqiijiyeen.
Ciidamada ayaa xalay gudaha u galay deegaanka War-ciise oo ah deegaan ganacsigiisa todobaadkiiba mar yahay, ayna ku ganacsadaan dadweynaha ku dhaqan bariga gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in wax dagaal ah uusan dhicin markii ciidamada dowlada Soomaaliya la wareegayeen deegaanka War-ciise.
Laakiin dagaal kooban ayaa ciidamada dowlada ay la kulmeen markii ay la wareegayeen deegaanka Qoordheere ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa todobaadkii hore Al-shabaab kala wareegay deegaanada Biyo-cadde, Ceel baraf iyo Caadleey oo Shabeelaha Dhexe ka tirsan, deegaanadaasi oo ah deegaano ganacsigooda badan yahay, dadkana ku ganacsadaan todobaadkiiba hal mar.