Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dalka Turkiga kula kulmay masuuliyiin ka tirsan shirkada duulimaadyada ee Turkish Airline.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay gudoomiyaha gudiga fulinta ee shirkada Duulimaadyada dalka Turkiga, waxayna ka hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan duulimaadyada Turkish Airline ku timaado magaalada Muqdisho.
Kulanka oo muddo socday ayaa u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Temel Kotil oo ah gudoomiyaha gudiga fulinta ee shirkada Turkish Airline.
Waxyaabaha ay diirada ku saareen kulankooda ayaa waxaa kamid ah sidii Turkish Airline u xoojin laheyd duulimaadyada ay ku timaado dalka Soomaaliya ayna u kordhin laheyd xiriirka kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya.
Shirkada Turkish Airline ayaa horaantii bishan February sheegtay iney hakad gelisay duulimaadyadii ay Muqdisho ku imaaneysay sabab la xiriirta hawada Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn, wallow markii dambe ay dib u bilowday duulimaadyadeedii.



